Ku soo dhawaow Olalaha Ciidsiinta

Waxaan nahay dhalinyaro Soomaaliyeed oo isku duuban si ay dhoola-cadayn ugu abuuraan qalbiyada carruurta agoonta iyo danyarta ah. In yar oo aad bixiso, iyaga waxay u tahay adduun dhan.

2k

Yoolka 2026

1.6k+

Carruur 2024/25

6

Sano oo khidmad ah

Macnaha astaanta Ololaha

Logo Sharaxaad

Astaanta Ololaha waxay ka kooban tahay laba gacmood oo isku wareegsan oo ka tarjumaya "daryeel iyo caawinaad". Dhexdana ay uga jirto gabar yar oo asturan kana muuqato dhoola cadeyn iyo mahadcelin.

Aragtideena (Vision)

Inaan aragno bulsho Soomaaliyeed oo is-caawinaysa, garab u ah kuwa u baahan in la garab istaago.

Hadafkeena (Mission)

Inaan carruurta danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha u iibinno dhar iyo kabo ciid ah oo tayo leh.

Taariikhda Ololaha

Wuxuu bilaabmay April 2021 isagoo ka dhashay dareenka koox dhalinyaro ah. Waxaan ku bilownay 142 carruur ah.

Waxqabadka

Sidee u shaqaynaa?

1. Diiwaangelin

Waxaan aqoonsannaa carruurta ugu baahida badan xeryaha barakacayaasha.

2. Soo Iibin

Waxaan soo iibinnaa dhar iyo kabo cusub oo tayo leh, cabbir kasta.

3. Qaybinta

Waxaan u qaybinaa carruurta dharka ka hor Ciidda.

Guulaha Sannadaha

SannadkaTirada Carruurta
2021142 Carruur ah
2022450 Carruur ah
20231,000+ Carruur ah
2024/251,600+ Carruur ah
20262,000 (Yoolka)

Muqaalkeena

Daawo waxqabadkeena iyo farxadda carruurteena

2026 – Qaybinta Ciidda

Sideed u caawin kartaa?

Saddex siyaabood oo kala duwan.

Tabaruca Lacagta
  • EVC Plus: 613655957
  • E-Dahab: 622655957
  • Jeeb: 684342190
  • Premier Bank: 05030119300
  • Salaam Bank: 35042784
Tabaruca Dharka

Keena dhar cusub xafiiskeena ama nala soo xiriir.

Fiiro: dhar cusub oo kaliya.

Is-xilqaan

Nagu soo biir oo nala shaqee diiwaangelinta iyo qaybinta.

Nagu soo biir

Su'aalaha la is weydiiyo

Waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo is-xilqaamay.

Waxaan diiradda saarnaa agoonta iyo carruurta danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha.

Hadafkeenu waa inaan ilmo kasta u iibinno dhar CUSUB.

Xiriirka

Halkan nagala soo xiriir ama soo booqo xafiiskeena.

Cinwaanka

Muqdisho, Soomaaliya

Tel

613655957

Email

info@ololahaciidsiinta.org

Baraha Bulshada
Logo

Ka qayb qaado samafalkayaga

Taageeradaada waxay ka dhigi kartaa mid farxad gelisa carruur badan.