Baro sheekayadeena, ujeeddooyinkeena, iyo hiddihayaga ka dambeeya ururkeena.
Tusaalayaal muuqaal ah oo muujinaya koritaanka iyo baaxada caawinta aan bixino carruurta danyarta.
Gabdho
Wiilal
Agoon
Danyar
Carruur la caawiyay
Carruurta ka faa'ideysata Olalaha Ciidsinta waa kuwa da'doodu ka yartahay 15 sano ama aan wali qaangaarin.
Si kale waa 2 jir ilaa 14 Jir.
Halkan waxaad ka arki doontaa guulaha waaweyn ee aan gaarnay muddada 5 sano ah.
Iyadoo aan hay'ad ama miisaaniyad rasmi ah lahaysan, laga shaqeysiiyay fikirkaas ku maan la'aan carruurta ah farxad galiyay.
La dhiirragaliyay misana kor loo qaaday wacyiga bulshada ee ku aaddan is-caawinta iyo is-kafaala-qaadka.
Helitaanka kalsoonida Culimada iyo bulshada iyo koritaanka taageerada dadweynaha ee sannad kasta.
Ololuhu wuxuu noqday astaan u taagan naxariis, midnimo iyo isxilqaan Soomaaliyeed oo guuleysta.
Caqabadaha aan la kulanno iyo sida aan ugu adkaysanno.
Misaaniyad xadidan oo jirin ama maalgelin joogto ah.
Taagerida oo ku tirsan xaalada markaas tagan, aan joogtayn.
Fahan la'aanta Bulshada arimaha samafalka.
In baahida badan tahay, misana aan ku dayashoon kale oo joogtooba aan laga helin gayiga Soomaalida.
Dhammaan caqabadahaan waxay muujiyeen hal arrin oo weyn, taas oo ah adeyga joogtaynta barnaamij isxilqaan ah oo aan ilo dhaqaale oo rasmi ah lahayn. Sidoo kale caqabadahaas waxay horseedeen in aan loo gudbin hiigsiyo kale oo laga lahaa wax ka baddalka nolosha carruurta danyarta ah.
Kulaha hogaamiyeyaasha ka shaqeeya si ololaha ugu guuleysto ujeeddooyinkiisa.
Gudoomiye
Gudoomiye Ku xigeen
Xoghaye
Howlaha Guud
Ku soo dir fariin, talo, ama deeq ahaan
Ololahaciidsiinta21@gmail.com
Noqdo qayb ka ah bulshadeena oo wax ka bedeli nolosha carruurta danyarta. Wadajir, waxaan ugu guulaysan karnaa badanaa.